30 November 2018

Towfiiq Group

Xaflkad ka dhacay Xarunta Nasashada ee Maandeeq magaalada Bosaso – Puntland, Somalia, oo ay ka soo qayb galeen maamulka shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq iyo Madaxda Shirkadda Waabari Group oo wakiil ganacsiyeed u tahay shirkadda Towfiiq Deegaanada Puntland, ganacsato, mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga, wasaarada ganacsiga Puntland, aqoonyahano, culimo’udiin, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Shirkadda ganacsiga guud ee Towfiiq General Trading Company ayaa barnamaijka xafladda ugu talo galashay sidii ay macaamiisheeda ugu samayn lahayd diirigalin iyadoo gudoonsisay Abaal marino qaali ah oo ka mid yihiin BAABUUR, LAPTOP,  REFRIGERATOR, DISH WASH, COOKER, SMART PHONE, LED SCREEN TV iyo Hadyado kale oo Qaali ah. taas oo ay ku abaal marisay macaamiisheeda ku xiran ee dadaalka dheer muujiyay Wax iibsida Alaabta Shirkaddu keento sanadkii 2018 ah  kulankaas oo loogu magac daray

”Top 40 Customer Rewards”

   

 

”Top 3 Customer Rewards”