Maanta oo Taariikhdu tahay 08-10-2018 waxaa magaalada Garowe laga furay warshada soo saareysa sallado maro ah oo bedel u noqodon doonta bacaha oo dhibaato deegaanka ku hayay,sidoo kale warshadu waxay ka qeyb qaadan doontaa hormarka dalka ayadoo ka haqabtiri doonta muwaadiniinta baahida ay u qabaan helida wax bedel u noqda bacaha,sidoo kalena mustaqbalka u gudbi doonta in ay qeyb ka noqoto waxsoo saarka gudaha ee loo dhoofin doono dowladaha deriska ah iyo caalamkaba insha allah.