Shirkada Ganacsiga Guud ee Towfiiq waxaa dhidibada loo taagay sanadkii 1992, Kismaayo, Soomaaliya waxayna ku talaabsatay inay noqoto shirkad ganacsi oo alaabo kala duwan ka soo dejisa dalka dibadiisa. Xarrunteeda Guudna waa magaalada Bosaso, Soomaaliya. Waxay shirkadu alaabta ka keentaa wadamada kala ah Imaaraadka Carbeed ee isu tegey, Cummaan,Yemen,Hindiya, Malaysiya, Shiinaha, iyo Yurub. Waxay shirkada laamaheedu ku kala yaalaan Bosaso oo xaruntii guud ah, Gaalkacayo, Hargeysa, Berbera,Burco,Boorame iyo Tog Wajaale oo dalka gudihiisa ah iyo Jabuuti, itoobiya, imaaraadka, cummaan, iyo shiinaha oo dalka dibadiisa ah.
Waa shirkad ganacsi oo horseedey in wax la wada yeesho lana jaan qaaday nidaamka ganacsiga ee dunida ka jira, dhiirigelisayna in laga gudbo nidaamkii ganacsi ee qof ama qoys ku koobnaa. Shirkada ganacsiga guud ee Towfiiq door weyn bay ka qaadatay isbedelka ku dhacay ganacsiga dalka iyo horumarka ganacsi ee lagu talaabsaday.
Shirkada Ganacsiga Guud ee Towfiiq waxay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee cunada duruuriga ah keena dalka soomaaliya, sidoo kale safka hore kaga jira alaabooyinka kale sida alaabta dhismaha, qalabka guryaha, elektarooniska, iyo badeecadaha kale.
Waxay shirkadu macaamiisheeda siisaa khidmad wanaagsan oo dhinaca qiimaha iyo tayada alaabada ay iibiso ah. Si ay shirkadu u joogtayso Khidmadeeda wanaagsan ee macaamiisheeda siiso waxay wakiil ka tahay alaabo badan oo ay iyada keligeed iibiso, waxayna qayb ku leedahay shirkada Salalah Makarooni oo soo saarta noocyo badan oo baastooyin ah oo tayadoodu aad u sarrayso.
Waxaa shirkada u shaqeeye shaqaale joogto ah oo 200 oo qof kor u dhaafaya iyo shaqaale aan joogto aheyn oo shirkada ka hela mushaaro ay ku taageeraan qoysaskooda.