Maamulka shirkadda ganacsiga guud ee Towfii ayaa barnamaij tijaabi nasiibkaaga ah u qabatay macaamiisheeda ku xiran, kaasi oo ay shirkaddu ugu magac dartay Toqfiiq iyo kulanka macaamiisha.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Jubba ee magaalada Boosaaso, waxaana ka soo qeyb galay maamulka shirkadda, ganacsato, mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga, wasaarada ganacsiga Puntland, aqoonyahano, siyaasiyiin, culimo’udiin, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay xafladda madaxa suuq gaynta shirkadda Towfiiq Maxamed Macallin waxa uuna sheegay in kulankan uu gaar u yahay macamiisha sharafta leh ee Towfiiq isla markaana miiska ay yaalaan hadiyo badan oo isugu jira gaari nooca raaxada ah, mobeelo casriyeysan (Smart Phones) iyo kumbiyatarada gacanta lagu qaato.

Dr. Cabdi Samad oo ka socday shirkada Salalah Makaroni ee dalka Cuman oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay shirkadda uu ka socdo in la dhisay sanadkii 2008, isla markana ay tahay shirkadda ugu weyn wadamada Carabta.

Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Maxamed Xirisi Waaberi ayaa shirkada Towfiiq ku amaanay sida ay markasta ugu taagan tahay dhiri gelinta bulshada.

Inka badan 20 qof oo ka mid ah macaamisha shirkadda oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxa ay ku guulaysteen mobeelo, gaari nooca raaxada ah iyo kumbuyiitarada gacanta lagu qaato

sabawanaag-5 sabawanaag-2 sabawanaag-1 sabawanaag-5 sabawanaag-3